Maamulka Puntland oo soo saaray digniin ku aadan Roobab duufaano wata

Maamulka Puntland oo soo saaray digniin ku aadan Roobab duufaano wata

December 4, 2019 Off By walaal24

 

War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland ayaa soo saartay digniin ku aadan roobab duufaano wata oo kusoo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in duufaantaasi ay ku dhufato inta u dhaxaysa Xafuun ilaa Hobyo, iyadoona xawaaraha dabayshuna ay tahay 80-100 KM halkii saac.

Sidoo kale Puntland ayaa shacabka degan xeebaha, dhulka miyiga ah iyo magaalooyin qaarkood ugu baaqday in ay u diyaar garoobaan kana digtoonaadaana duufaantaas isla markaasna laga baxo dhulka xeebaha ah.

 

Halkan hoose ka Akhriso War-saxafadeedka:-

Facebook Comments