Mareykanka oo dul dhigay lacag malaayiin ah muwaadin Mareykan ah ka mid ah Al-shabaab

Mareykanka oo dul dhigay lacag malaayiin ah muwaadin Mareykan ah ka mid ah Al-shabaab

December 3, 2019 Off By walaal24

 

Sida ay soo tabiyeen warbaahinta Mareykanka, ayaa sheegayaan in madaxiisa la dul dhigay Jehad Serwan Mostafa oo 37 jir ah, ayaa ah muwaadin Mareykan ah midka ugu darajada sarreeya ee hadda ka tirsan urur argagixiso oo shisheeye.

Mas’uuliyiinta federal-ka Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiiyey abaal-marin shan milyan oo dollar ah oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta in lasoo xiro muwaadin Mareykan ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Image result for Jehad Serwan Mostafa

Mas’uuliyiinta FBI-da ee qeybta magaalada San Diego ee gobolka California oo shalay dacwado kusoo oogay Mostafa ayaa ku eedeeyey inuu taageero siiyey kooxda Al-Shabaab oo Mareykanka u aqoonsan yahay urur argagixiso.

“Waxaan rumeysannahay in eedeysanaha uu yahay muwaadin Mareykan ah midka ugu darajada sarreeya ee urur argagixiso oo dibedda ah ka garab dagaalama.” Waxaa sidaas yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Koonfureed ee gobolka California, Robert Brewer.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in rumeysan yihiin in Mostafa uu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya, islamarkaana uu kaalin mug leh ka cayaarayo qorsheynta howl-gallada Al-Shabaab ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Facebook Comments