Laacibka Lionel Messi oo xalay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or

Laacibka Lionel Messi oo xalay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or

December 3, 2019 Off By walaal24

 

Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa xalay markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, wuxuuna ku garaacay labada xiddig ee Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo kadib xaflad ka dhacday magaalada Paris.

Messi waa xiddiga ugu badan ee abaalmarintaan ku guuleystay maadaama ay ka hor xalay isaga iyo Ronaldo wada heysteen min shan jeer, waxaana xusid mudan inuu horay ugu guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.

Kabtanka Argentina wuxuu helay 686 cod, halka Virgil van Dijk uu helay 679 cod, taasoo ka dhigan in xiddiga reer Holland uu u dhawaaday inuu helo abaalmarintiisii ugu horreysay Ballon d’Or.

Image result for ballon d'or 2019

Haddaba France Football Magazine waxey soo bandhigtay sawiro muujinaya sida ay wariyayaashii laga soo doortay wadamada dunida ugu codeeyeen musharaxiintii abaalmarinta Ballon d’Or.

Virgil van Dijk wuxuu codadka ugu badan ka helay wadamada Yurub iyo Asia, halka Messi uu kaalinta koowaad ka noqday wadamada hoos yimaada afarta xiriir ee kale.

Sadio Mane xitaa qaaradda uu kasoo jeedo kaalinta 1-aad kama noqon, waxaana kaga horeeyay Messi, halka Allison Becker isna uu kaalinta 5-aad kasoo galay wadamada koonfurta America codadkooda.

Facebook Comments