Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Digniin ka soo saartay Roob dabeyla wata oo ka da’a…..

Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Digniin ka soo saartay Roob dabeyla wata oo ka da’a…..

December 3, 2019 Off By walaal24

 

Dowladda Feraalka Soomaaliya, Waxa ay Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Saaxiibada ah la wadaageysaa dhibaatooyinka isbeddellada cimillada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaanno la saadaalinayo in ay ku soo wajahanyihiin Deegaanno kamid ah Soomaaliya.

Maadaama Roobabku weli ka da’ayaan Gobollada dalka, Dowladdu waxay ka digaysaa in fatahaado kale ay weli suurtogal yihiin, inkastoo meelaha qaarkood ay biyuhu hoos u dhaceen biyuhu ama qallaleen.

Dowladda Soomaaliya waxa ay Heegan buuxa galisay hay’adaha qaabilsan gurmarmadka iyo ka jawaabista xaaladaha dag dagga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha lasaadaalinayo.

Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u sii diyaargaroobay daadad ka
dhasha roobab mahiigaan ah oo la filayo in uu ka da’o magaalada Muqdhisho, waxaana heegan la galiyay Saldhigyada Booliska 17-ka degmo ee Gobalka Banaadir, Gaadiidka Gurmadka dagdagga iyo howlwadeenadooda, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in marka ay xaalad Qatar ah la kulmaan si dhaqsi ah ula xiriiraan Number-ka Gaaban ee 991.

Halkan hoose ka Akhriso War-saxafadeedka:-

http://walaal24.com/wp-content/uploads/2019/12/

 

Facebook Comments