Daawo: Odayaasha reer Cadaado qaar ka mid ah oo sheegay ineysan ka mid ahayn dhismaha Galmudug

Daawo: Odayaasha reer Cadaado qaar ka mid ah oo sheegay ineysan ka mid ahayn dhismaha Galmudug

December 1, 2019 Off By walaal24

 

Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas ayaa waxaa ay ku sheegeen inaysan ka qeyb aheyn hanaanka dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda dhexe ay ka bilowday Magalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ay kulankooda kasoo saareen ayaa waxaa ay ku cadeeyeen inaysan jirin jirin cid ku metesha dhismaha maamulka Galmudug ee hadda ka socda Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka mid aheyn Odayaasha dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya ay maanta xareysay.

Waxaa ay sheegeen in marnaba shirkaasi ka qeyb-galeyn ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay xalinta tabashada ay qabaan si wax walba oo jira xal looga gaaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Xareysay odayaasha dhaqanka ee Galmudug, waxaana ay soo bandhigtay Liiska Saxiixayeyaasha Galmudug oo ay sheegtay in ay soo xuli doonaan Xildhibaanada Galmudug.

 

 

Facebook Comments