Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo gaaray degmada Xeraale

Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo gaaray degmada Xeraale

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoggaaminayaan la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa manta gaaray deegaanka Xeraale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen xubnaha la socday Agaasimayaasha dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta, waxa ay Xeraale kula kulmay guddiga Farsamada dhammeystirka dadaallada dib-u-heshiinta Xeraale iyo Huurshe.

Gudiga Farsamada dhamaystirka dib-u-heshiisiinta Xeraale iyo Huurshe ayaa uga warbixiyay wafdigii ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha arimaha dib-u heshiinta una sheegeen an ay meel wanaagsan ah ay marayaan.

Wafdiga ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa amaan u soo jeediyay Gudiga Farsamada iyo Odayaasha degaanada Xeraale iyo Huurshe wax qabadka wanaagsan ee ku saleysan dib-u-heshiisiinta.

Facebook Comments