Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiraan

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiraan

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne.

Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaano ayaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay wafdiga ay horkacayeen labada Madaxweyne hore.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa tagitaanka magaalada Baladweyne maanta ka keeneen buuq badan, waxaana ugu dambeyn u suurto gashay in si nabdoon magaaladaasi ku gaaraan.

Madasha Xisbiyada Qaran hogaankooda ayaa magaalada Baladweyne u tagay sidii ay gar gaar halkaasi u gaarsiin lahaayeen, waxa ay sidoo kale u tageen in ay soo arkaan dhibaatada ka dhalatay fatahaada Wabiga Shabelle.

Iyadoo diyaaradda ayaa si nabad ku gaartay garoonka magaalada Baladweyne, kaddib saacado jahwareer ah, waxaana garoonka diyaaradaha Beledweyne ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Wafdiga ayaa hadda booqanaya dadkii ku barakacay fatahaadii wabiga Shabelle, waxaa lagu wadaa inay wareejiyaan lacag gaareysa $200,000 oo ay ugu tala galeen dadkii ku barakacay fatahaada.

 

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/11/

 

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/11/

 

https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/11/

Facebook Comments