Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Dalka Faransiiska

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Dalka Faransiiska

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Shirka sannadkaan waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.

http://sonna.so/wp-content/uploads/2019/11/

 

 

Facebook Comments