Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Diyaarado gargaar u sido dadka ay saameeyeen  fatahaada Webiga Shabeelle  ee Magaalada baladweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa Mudooyinkan sidii  gaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka.

Shalay ayey ahayd Markii Diyaarado sido gurmad isugu jiro daawooyin iyo Raashin la gaarsiiyey Magaalada Bardaale , sidoo kale Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiraan ayaa horay loo gaarsiiyey Gargaar.

Facebook Comments