Dhageyso: Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh oo u socdeen Baladweyne oo ku xayirmeen Garoonka Muqdisho

Dhageyso: Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh oo u socdeen Baladweyne oo ku xayirmeen Garoonka Muqdisho

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ay wehlinayan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uu u amabaxay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalda Muqdisho ayay ka duushay diyaarad ay la socdeen Wafdi ay hogaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee dalka, kadib markii saacdo kooban lagu xayiray Garoonka.

Sidoo kale Madaxdan ayaa saakay loo diiday in Garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ay ka duusho diyaaradii Baladweyne u qaadi laheyd, waxaana Madax ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ahna Xildhibaan ka tirsan Balamaanka Cabdirisaaq Axmed Maxamed Kind ayaa Warbaahinta u sheegeen in amarkaas uu ka soo baxay Dowladda.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Maanta Magaalada Baladweyne waxaa ay gaarsiin doonaan gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.

 

Halkan hoose ka dhageyso codka Xildhibaanka:-

 

 

Facebook Comments