Daawo: Madaxweyne Waare oo kadalaya xanibadii ay sheegteen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Daawo: Madaxweyne Waare oo kadalaya xanibadii ay sheegteen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

November 10, 2019 Off By walaal24

 

Madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraaid u qabtay warbaahinta ayaa beeniyay warar lagu baahiyay Baraha bulshada oo ku aadan in wafdi ay hogaaminayeyn Madaxweynayaashii hore e dalka laga hor istaagay inay u safraan magaalada Baladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay inuu la xiriiray masuuliyiinta islamarkaana uu ku wargeliyay warbixin soo gaartay oo tilmaameysay  In garoonka magaalada Baladweyn ay ka jirto cilado farsamo oo ay sababeen fatahaadaha ka dhacay magaalada, tasoo masuuliyiinta ay ka dhaga adeegeen isla markaana ay qaateen go’aan qaldan oo naftooda halis gelin karay.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhinaca kale ka hadlay halka uu marayo gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaada iyo waxa maamul ahaan uga qorsheysan inay ka gaashaantaan waxyeeladan soo laab laabatay ee fatahadaha.

Facebook Comments