Howlgal Ciidamada Booliiska ka sameeyay Degmada Afgooye ka dib dil ka dhacay

Howlgal Ciidamada Booliiska ka sameeyay Degmada Afgooye ka dib dil ka dhacay

November 7, 2019 Off By walaal24

 

Ciidamada ammaanka Soomaalioya ayaa Xalay howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Howl-galkan ayaa yimid ka dib markii Bam lagu tuuray xalay Gurigiisa ee Degmada Afgooye ka deggenaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabeey” oo u geeriyooday dhaawac kasoo garaay weerarkaas.

Ciidamada ayaa howl-galkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxanay soo qabteen Dad ku dhow 50 Qof oo Dhallinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhigga Booliska Afgooye.

Dhallinyarada Ciidanka soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo uu ku socda baritaan arrimahaasi ku saabsan.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye ayaa  sheegay in Dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab.

Facebook Comments