Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Caawa u Ambabaxay Dalka dibadiisa

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Caawa u Ambabaxay Dalka dibadiisa

November 7, 2019 Off By walaal24

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) wafdi uu hogaaminayo ayaa Caawa safarkii ugu horeeyey ugu ambabaxay dalka dibediisa tan iyo markii la magacaabay dhowr bilood ka hor.

Gudoomiye Cumar filish ayaa u ambabaxay magaalada Durban ee Dalka South Africa halkaasoo ay kaga qeyb gali doonaan shirka caalamiga ah ee Maayarada caasimadaha caalamka “Global Parliament of Mayors” (GPM).

Cumar Finish ayaa Warbaaninta u sheegay in safar uu caawa ugu ambabaxay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban halkaasi oo uu uga qeyb gali doono shirka Global Parliament of Mayors, kana rajeynaayo kulankaas wax ku ool noqdo dadka degan magaalada Muqdisho.

Waxaa sii sagootiyey Gudoomiye Cumar Filish iyo wafdigiisa masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil kala duwan iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Caasimada.

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

Facebook Comments