Wasaaradda gargaarka oo soo saartay digniin ku aaddan fatahaado hor leh

Wasaaradda gargaarka oo soo saartay digniin ku aaddan fatahaado hor leh

November 6, 2019 Off By walaal24

 

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saartay digniin ku saabsan fatahaado kale oo ka dhaca Dalka.

Digniintan ayay Wasaaraddu shaacisay markii ay soo baxday halis ah in ay dhici karaan fatahaado iyo daadad, iyadoo ay isa soo tarayaan qatar ah in degaanada koofurta Dalka ka mid ah ay ka da’aan Roobab uu cabbirkoodu ka sarreeyo 40  Mile mitir Maanta iyo maalmaha xigaba.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gargaarka ayaa sheegtay in meelaha Cabsida ka jirto ay kamid yihiin Magaalada Baladweyne, Jowhar, Baardheere iyo Doolow, sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in daadad roob ah ay ka da’i karaan Gobolada Baay iyo Bakool.

 

Halkan hoose ka aqriso digniinta oo dhammaystiran:-

http://sonna.so/wp-content/uploads/2019/11/

 

Facebook Comments