Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday dhowaan iney bixineyso shatiyada Shidaalka

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday dhowaan iney bixineyso shatiyada Shidaalka

November 6, 2019 Off By walaal24

 

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Dowladdu ay ku tala jirto Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil.

C/rashiid Maxamed oo Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrika ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay shirkado badani ku loollami doonaan qaadashada Shatiyadaasi.

Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda.

Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay Kooxahii Burcad Badeedda ahaa, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doono sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.

Soomaaliya ayaa bilo kahor markii ugu horeesay muddo 30 sano ah dhaqaale ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.

Facebook Comments