Dhageyso: Wafdi ka socda maamulka Puntland oo u ambabaxay Dalka Itoobiya

Dhageyso: Wafdi ka socda maamulka Puntland oo u ambabaxay Dalka Itoobiya

November 6, 2019 Off By walaal24

 

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgeshiga dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u safray waddanka Ethiopia, halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta iyo ganacsatada dalkaasi.

Wasiirka oo ka hor inta aan wefdigu dhoofin saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka isaga iyo wefdigiisa u ku tegaya waddanka Ethiopia.

Isagoo safarkiisa ku sheegay inuu la soo kulmayo Ganacsata Kilinka Oromada iyo Kilinka Soomaalida, daba socda kulankii hada ka hor ka dhacay magaalada Garoowe ee lagu soo bandhigay Ganacsiga Puntland.

 

Halkan hoose ka dhagayso hadalka Wasiirka Ganacsiga Puntland:-

Facebook Comments