Weerar Duqeymo oo laga fuliyay  Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug

Weerar Duqeymo oo laga fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug

November 5, 2019 Off By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya deegaano katirsan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday Xarumo ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Duqeymahaan ayaa waxaa ay sigaar ah uga dhaceen Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana dadka halkaa ku sugan Gobolka Mudug ay soo sheegayaan in ay maqlayeen dhawaqa duqeymaha ay fuliyeen Diyaaradaha.

lamana soo xaqiijinin khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin kooxda Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee Gobolka Mudug.

Duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan diyaarado dagaal ay duqeye ka geysteen tuulada Jiracle oo u dhaw degaanka Caad oo ku yaala Koonfurta Gobalka Mudug.

Facebook Comments