Daawo: Madaxweyne Axmed Karaash oo oo furay kulanka madasha maamul baahinta Puntland

Daawo: Madaxweyne Axmed Karaash oo oo furay kulanka madasha maamul baahinta Puntland

November 5, 2019 Off By walaal24

 

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay kulanka madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha maamulada

Hoose ee Puntland.

Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga dhaxlay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhinacyada shirka ka qayb galay ku booriyay inay go’aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose, maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey.

Facebook Comments