Daawo: Wasiir Sabriye oo sheegay in Ahlu suna ay ka muuqato Dhaqan muujinaya dib u noqosho

Daawo: Wasiir Sabriye oo sheegay in Ahlu suna ay ka muuqato Dhaqan muujinaya dib u noqosho

November 3, 2019 Off By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey hoggaanka sare ee ahlusunna mar uu ka hadlayay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isaga oo sheegay in hortaagan yihiin dhismaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay Wasiirka  in waxa hadda ka muuqda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo bilaabeen Hoggaanka Ahlusunna, isla markaana aysan ka turjumeen arrimaha masiiriga ah ee Galmudug.

Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay wadaan waxyaabo keeni kara dib u noqosho,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan caqabad uu sheegay inay Ahlusunna ku yihiin dhismaha Galmudug.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya in dowladda ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada ay qabaan,hayeeshee aan laga aqbaleyn in shuruud ku xiraan dhismaha Galmudug.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa sheegaya in dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin.

 

Facebook Comments