Ciidamada Ahlu sunna oo baneeyeen Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb

Ciidamada Ahlu sunna oo baneeyeen Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Dhuusamareeb

November 3, 2019 Off By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan Magaaladaas.

Wararka inta badan waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Ahlusunna ay baneeyeen Xarunta.Dowladda Hoose Ee Degmada Dhuusamareeb,isla markaan ay la wareegeen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb, waxana hoggaanka Sare ee Ahlusunna ay xilligaan ku sugan yihiin Xarunta Inji ee Magaalada dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo qeybaah Bulshada kula hadlayay Guriceel ayaa sheegay in waxa ay hadda arkayaan aysan aheyn waxyaabihii ay kula heshiiyeen, isla markaana ay yihiin dib u noqosho.

Facebook Comments