Odayaasha dhaqanka Galmudug oo ka horyimid kordhinta Xildhibaanada loo sameynayo……

Odayaasha dhaqanka Galmudug oo ka horyimid kordhinta Xildhibaanada loo sameynayo……

October 31, 2019 Off By walaal24

 

Kulanka dhexmara Odayaasha saxiixayaasha dhaqanka ee Beelaha maamul dhisida Galmudug ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in  tiradooda Xildhibaanada laga badiyo 89 mudane, iyagoona wacad Ku maray in cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.

Odayaasha Dhaqanka maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ku dhawaaqay haddii Ahlusunna la siiyo tirada 35 Xildhibaan in aysan ka qeyb gali doonin dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa ay sheegeen odayaasha saxiixayaasha ah in dhawaan ay dhisi doonaan xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Khilaafka xoggaan ayaa ka dhex taagan maamul dhisida maamulka Galmudug, khilaaf kaasoo u ka dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaanka Ahlu suna Waljameeca, in mudo ahna soo jiitamayay, iyadoo halkaana ka jirto labo gudi doorasho ay soo kala xuleen Wasiirka arimaha Gudaha iyo Madaxa xukuumada ee Ahlu suna.

 

Halkan hoose ka Akhriso War-saxafadeedkii ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug:-

 

http://walaal24.com/wp-content/uploads/2019/10/

 

Facebook Comments