Kooxda Daacish oo xaqiijisay Geerida Hogamiyahoodii Abu Bakr al-Baghdadi

Kooxda Daacish oo xaqiijisay Geerida Hogamiyahoodii Abu Bakr al-Baghdadi

October 31, 2019 Off By walaal24

 

Kooxda Ururka Daacish ee ISIS ayaa bayaan ka soo baxay ku xaqiijiyeen geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana hogaamiye cusub u magacaabeen Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.

Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, isla markaana ahaa ninka loogu raadiska badanaa dunida, ayaa waxaa Axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria.

Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinkII la dilay al-Baghdadi.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq.

Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.

Facebook Comments