Digniin: Duufaano wata Roob xoogleh oo looga digayo qeybo ka mid ah Soomaaliya

Digniin: Duufaano wata Roob xoogleh oo looga digayo qeybo ka mid ah Soomaaliya

October 29, 2019 Off By walaal24

 

Hey’ada Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha FAO ayaa digniin ka soo saartay duufaano iyo roobab is wata oo kusoo wajahan degaanada Soomaliland iyo Puntland, waxayna sheegtay in dadka xeebaha iyo meelaha togaga ah ku jira ay tahay in ay ka baxaan.

Duufaanta oo lugu magacaabo Kyarr ayaa la sheegay iney wado Dabeylo culus iyo Roobab, lagu wado iney ka da’aan Soomaliland iyo Puntland, waxayna awood u leedahay iney burburiso Guryaha aan xooga laheyn ee cooshadaha iyo qoryaha ka sameysan ayadoo ka dhalankarto daadad xoog leh

Duufaanta ayaa la filayaa iney ku dhufato inta bada degaanada Puntland iyo Soomaliland 4 maalmood ilaa 5 maalmood ee nagu soo fooleh, waxayna ku soo horeyn doontaa xeebaha Puntland oo ay ku soo aadantahay sagaashan iyo lix saacadood oo fooda nagu soo haya ka dibna ay ku sii fididoonto Soomaliland.

Facebook Comments