Sidee loo fuliyay Howlgalkii lagu dilay Hogaamiyahii kooxda Daacish ee  Al-Baqdaadi?

Sidee loo fuliyay Howlgalkii lagu dilay Hogaamiyahii kooxda Daacish ee Al-Baqdaadi?

October 27, 2019 Off By walaal24

 

Mareykanka ayaa goor dhaweyd shaaciyay in hoggaamiyihii kooxda Daacish dilkiisa, kuna sheegeen in muda ah uu ku jiray dhuumaaleysi hogaamiyaha kooxda la baxday Dowladda Ismaalka ee Daacish lagu dilay hawlgal milatari oo Mareykanka uu ka sameeyay woqooyi galbeed Suuriya.

Madaxweyne Trump oo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in in Abuu Bakar Al-Baqdaadi uu qarxiyay jaakaddii u xirneyd oo ay ku rakibnaayeen walxaha qarxa ka dib markii ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay uga daba galeen god uu ku cararay.

Abuu Bakar Al-Baqdaadi ayaa soo shaac baxay sanadkii 2014, xilligaasi oo uu magaalada Mowsil uga dhawaaqay “dowlad Islaami” ah oo ka shaqeyn doonto waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxdiisa Daacish ayaa tacaddiyo badan ka geysatay gudaha waddamadaasi, halkaasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

 

Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa isaga oo ay ceyrsanayaan eeyo ay wateen ciidamada Mareykanka.

“Waxa uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah, waxaan ku dirnay oo godka uga dabagalay eeyadeenna. Waxa uu qarxiyay jaakaddii uu xirnaa isagoo dilay naftiisa iyo saddex canug oo uu watay. Jirkiisu waxa uu ku googo’ay qaraxa, waxaana ku soo dumay godka. Baaritaanka aan jirkiisa ku sameynay ayaa markiiba muujiyay inuu qofkaasi yahay Al-Baqdaadi.”

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”.

“Xalay, Maraykanku waxa uu cadaalladda marsiiyay hoggaamiyaha kaalinta koowaad uga jira argagixisada caalamka. Abubakr Al-Baqdaadi waa uu dhintay. Waxa uu ahaa hoggaamiyaha iyo asaasaha ISIS oo ah ururka ugu arxanka darran caalamka. Maraykanku waxa uu Al-Baqdadi ku daba jiray sanado badan. Ma jiro wax khasaare ah oo ciidamadeena ka soo gaaray hawlgalkaasi oo ay ku dhinteen tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannada iyo asxaabta Al-Baqdaadi,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Warbaahinta Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in milatariga Mareykanka uu weerar ku qaaday Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Waxaa la sheegayaa in hawlgalka ay sameeyeen ciidamo gaar ka dib markii ay heleen xog muhiim oo tallaabo lagu qaadi karo, waxaa sidaasi soo weriyay warbaahinta Newsweek iyadoo soo xiganayso ilo wareedyo la xiriira hawlgalka.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa marar hore la sheegay in la dilay balse warkaasi sax ma ahayn.

Facebook Comments