Degmada Bardaale oo Daadad xoogleh ku dhuftay Roobkii lixaad leh ka da’ay

Degmada Bardaale oo Daadad xoogleh ku dhuftay Roobkii lixaad leh ka da’ay

October 26, 2019 Off By walaal24

Daadad ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sababay burbur hantiyeed oo isugu jira guryo iyo goobihii ganacasiga ee degmadaasi.

Dadka ayaa gabi ahaanba ka guuray gudaha degmada, maadaama deegaanka  oo dhan ay qarariyeen biyo, isla markaana ay awoodi waayeen in ay sii joogaan guryahooda dhanka kale ceelashii biyaha iyo musqulihii la isticmaalayay  ayaa dhamaantood darsamay. taas oo dadka deegaanka walwel ku abuurtay,lagana cabsi qabo in ay ka dhalato xaalad caafimaad xumo.

Goobaha ganacsi ee dhibaatada xoogga leh soo gaartay waxaa ka mid ah dukaamadii raashinka iyo Badaacadihii  dharka, waxaana gabi ahaanba qaaday daadadka,dakuna waxay xilligaan ay ku jiraan xaalado ka duwan midii hore.

waxaa  dadka ka qaxay degmada Berdaale ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo shiidi macalin yaroow oo ku yaal duleedka koonfureed ee magaalada, ,waxaana saacadaha soo socoda laga cabsi qabaa in daadadku gaaraan,marka la qiyaaso xawliga iyo Xoogga ay ku socodaan goobaha ay dadku miciinka bideen.

https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2019/10/

Facebook Comments