Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo doortay Gudomiye iyo ku xigeenkiisa

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo doortay Gudomiye iyo ku xigeenkiisa

October 25, 2019 Off By walaal24

 

Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay yeeshaan iska dhex doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusarameeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ahna xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdinaasir Geelle ayay guddiga u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Gudigga Qaban qaabada doorashada Galmudug halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mudane Axmed Maxamed Caafi, kuwaasi oo ahaa xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa mahadcelin kaddib waxa uu shaaca ka qaaday inay sii dar dargelin doonaan hannaanka doorashada Galmudug.

“Waxaa noo yaalo howl culus dhamaanteen, team ahaan iyo qof qof ahaan, howshaas culusna waxa ay tahay, waa howl aan hal qof qaban karin labo qofna qaban karin saddex qofna aysan qaban karin, bulshada reer Galmudug iyo Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan inaan howshaas naloo igmaday ka soo dhalaalno, Ilaah waxaan ka baryaynaa in uu ceebteena ku asturo, inaan Ummaddaas wixii naloogu dhiibay aan siday ahayd uga soo dhallaalno, inaan u caddaalad sameyno, inaan u soo saarno ugana shaqeyno wax dhamaantood ay dhihi karaan wey na matalaan, wey noo qalmaan, waa nagu haboonyihiin, intaas ayaan Illaahey ka baryaynaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdinaasir oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u sheegeynaa Ummadda reer Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba in maanta wixii ka dambeeya howshii naloo idmaday ee ahayd farsamada Maamul u sameynta Galmudug aan halkaasi ka sii wadi doono, lana wadaagi doono xiliyada soo dhaw qorshe howleedkeena aan damacsannahay inaan sameyno.

Mudane Axmed Maxamed Caafi oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug ayaa tilmaamay  in xubnaha kale ay iska kaashan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha loo igmaday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Guddiga farsamada Maamul u dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta si habsami leh u bilaabay isku daba-ridka arrimahiisa gudaha, waxaan u mahadcelinayaa inay noo doorteen hogaanka guddiga, waxaana naga go’an annagoo kaashaneyna xubnaha guddiga oo dhan inaan dadka iyo deegaanka Reer Galmudug u horseedno hannaan wanaagsan oo ay ku dhexlaan dowladnimo iyo horumar”. ayuu yiri Axmed Maxamed.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda waxa ay si rasmi ah u bilaabi doono howlaha farsamo ee doorashada Galmudug, iyadoo hannaanka doorashada ay ugu horeyso soo xulidda Xildhibaannada oo hogaan yeelan doona halka ay xigi doonto doorashada Madaxweyn

Facebook Comments