Gudiga farsamada dhismaha maamulka Galmudug oo gaaray magaalada Dhuusamreeb

Gudiga farsamada dhismaha maamulka Galmudug oo gaaray magaalada Dhuusamreeb

October 23, 2019 Off By walaal24

 

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa gaaray Gudiga Farsamada maamul dhisida Galmudug oo dhawaan ay magacawday Wasaarada arimaha guddaha iyo federaalka.

Gudigan waxaa garoonka diyaaradaha magaaada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka oo horey magaaladaasi ugu sugnaa, xubno katirsan maamulka Galmudug iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan Dhuusomareeb.

Waxaa la filayaa in gudigan dowlada federaalka magacawday in ay si deg deg ah u doortaan hogaan ayna guda galaan howlahaha loo igmaday ee ah in ay soo dhisaan  Galmudug loo dhan yahay.

Tagitaanka guddigan ee magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Wasaarada arimaha gudaha iyo Ahlu Sunna , khilaafkan ayaana ka dhashay guddigan ay dowlada magacawday.

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir  ayaa shalay magaalada Dhuusomareeb isna kaga dhawaaqay guddi kale oo agaasima doorashada Galmudug, waxa ayna arintaas uga sii dartay khilaafkii horay uga jiray dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

 

https://lh3.googleusercontent.com/

Facebook Comments