Daawo: Wasiir Beyle oo sheegay in Maxkamad lala tiigsan doono cidii tiraahda Soomaaliya musuq-maasuq ayaa ka jira

Daawo: Wasiir Beyle oo sheegay in Maxkamad lala tiigsan doono cidii tiraahda Soomaaliya musuq-maasuq ayaa ka jira

October 23, 2019 Off By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa Maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ee dalka, isagoona ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Wasiir Beyle ayaa waxaa uu sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan ciddii mar kale tiraahdo Soomaaliya ayaa musuq-maasuq ka jiraa.

”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynaup, Tuugta ugu waaweyn baa joogta, 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya  xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega, ”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa uu tilmaamay in hay’addaha soo saara warbixinadda la xiriira Musuq-maasuqa looga baahan yahay inay dalka yimaadan oo ay arkaan sida uu u shaqeeyo nidaamka Maaliyada dalka.

Facebook Comments