Dhageyso: Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsan Al-shabaab ku dilay deegaanka Cali Fooldheere

Dhageyso: Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsan Al-shabaab ku dilay deegaanka Cali Fooldheere

October 21, 2019 Off By walaal24

 

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka uu ku dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee Hoos taga degmada Mahadaay

Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Kabtan, Cali Yuusuf Macallin (Cali xuubey) ayaa Warbaahinta u sheegay in horjoogahaas oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Abuukar uu dhibaato xoogan ku haayay shacabka ku nool deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in askari ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka uu howlgalkaan fuliyay, isagoo tilmaamay in horjoogaha oo xilligaas ku sugnaa Saldhiga deegaanka uu ku dilay, kuna sugnayeen ilaaladiisa halkaas ku dhaawacay, qaarna kala raacdeeyay.

 

Halkan hoose ka dhageyso Taliyaha Ururka 65-aad:-

Facebook Comments