Kulamada Golaha Shacabka oo maanta dib uga Furmaya magaalada Muqdiho

Kulamada Golaha Shacabka oo maanta dib uga Furmaya magaalada Muqdiho

October 19, 2019 Off By walaal24

 

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku aadantahay 19-ka Bisha October 2019, waxaa lagu wadaa in kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib u furmaya, kadib markii uu dhammaaday fasaxii labada Bil ahaa ee ku maqnaayeen Xildhibaanada, iyadoona dhawaan Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka uu sirasmi ah u furay Madaxweyne Farmaajo.

Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Dhanka kale Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Wariyeyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wariyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Muudey ayaa Warbaahinta si Cad ugu sheegay in Xarunta Cusub ee Villa Hargeysa uu ku shaqeyn  doono Golaha Shacabka aan meel looga sameeyn Saxafiyiinta ka socota warbaahinta madaxbanaan,isla markaana aysan ka qeyb geli doono Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xaruntooda Cusub waxaa ay ku yeelanayaa kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha,kadib markii uu soo dhammaaday fasixii.

Facebook Comments