Dhageyso: Maamulka iyo waxgaradka deegaanka Xeraale ee Galmudug oo walaac ka muujiyay dhismaha Gudiga

Dhageyso: Maamulka iyo waxgaradka deegaanka Xeraale ee Galmudug oo walaac ka muujiyay dhismaha Gudiga

October 17, 2019 Off By walaal24

 

Kulanka ay isugu  yimadeed Maamulka iyo Waxgaradka degaanka Degmada Xeraale ee Galmudug ayaa walaac ka muujiyay, hadalka ka soo yeeray mas’uuliyiinta maamulka Ahlu sunna eek u aadan Gudiga dhismaha  ee maamul u sameynta Galmudug.

Maamulka iyo Waxgaradka degmada Xeraale ayaa sheegay iney ka digayaan oo si adag uga digeynaa, Galmudug Beelo ayaa lagu dhisay Dastuur bey leedahay, hadii dad Urur ahoo angu u aragno dad danbilayaalyihiin heshiis lagula galo Xildhibaano gaar ah baa la siinayaa ama gidigii baa bar lasiinayaa ama wax laga siinayaa ku raali noqonmeyno, mana yeeleyno, manayeelidoono waan ugu digeynaa Dowlada Federaalka.

Waxay kaloo hadalkooda ku dareen Dowlada Federaalka haka fiirsato Afar wadaad Nimankaan qabaa’iley ka yimadeen, dhowrka wadaad meelaha ka had hadlaya qabaa’iladoodii haku kala biireen ayay yiraadeen mas’uliyiintii halkaa ka hadlay.

ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf iyo Waxgarad iyo Haween ka soo jeeda Degmada Xeraale sheegeena iney ka soo horjeedaan wax kororsi ama sadbuursi in lagu sameeyo dhismaha Maamulka Galmudug.

Ugu danbeyn kulanka waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Diinta Awqaafta ee Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan  ayaa marka hore bogaadiyay juhdiga ay Dowlada Federaalka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay horkacayaa ay  mudo farabadan soo wadeen, isla markaan ugu danbeyntii ay Galmudug maamul loo dhanyahay ka shaqeyeen, waxaan ka digayaa dad gaar ah ay isbaaro dhigtay oo in badan wax ku raadiyay magic ayasan laheyn xaqna u laheyn.

 

Halkan hoose ka dhageys hadalada Maamulka iyo Waxgaradka Degmada Xeraale:-

Facebook Comments