Dhageyso: Ciidamada Meletariga oo toogasho ku dilay Nin miino ku aasayay wadad Balcad xiriirisa

Dhageyso: Ciidamada Meletariga oo toogasho ku dilay Nin miino ku aasayay wadad Balcad xiriirisa

September 29, 2019 Off By walaal24

 

Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay toogteen Nin miino ku aasayay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, inta u dhaxeysa Haan shiikh iyo Gololey.

Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen.Axmed Maxamed Treedisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Warka waxaa uu intaasi raacinayaa in ninka la toogtay uu miino ku aasayay waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan deegaanka Gololleey ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in dhagarqabahaasi miinada aasayay uu sidoo kale watay bistoolad uu doonayay in uu isku difaaco haddii la arko.

Tan iyo intii ka danbaysay markii ciidamada qaranka ay wiiqeen awooddii kooxda nabad diidka ah ayaa waxay bilaabeen weerarro u badan qaraxyo miino ay la beegsadaan dadka rayidka ah ee isticmaala waddooyinka isku xira magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa ka waramaya Ninka ay Ciidamada Dowlada ay dileen oo lagu sheegay inuu miino aasayay wadada xiriirisa Degmooyinka Balaca iyo Jowhar inta u dhaxeysa Haan shiikh iyo Gololey.

 

Halkan hoose ka dhageyso dadka deegaanka:-

Facebook Comments