Dhageyso: Ciidan Boliis oo loo diyaarinayo iney la wareegaan illaalinta ee Xeebaha dalka Soomaaliya

Dhageyso: Ciidan Boliis oo loo diyaarinayo iney la wareegaan illaalinta ee Xeebaha dalka Soomaaliya

September 19, 2019 Off By walaal24

 

Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullankaas waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta ilaalinta Xeebaha Dalka, maamul Goboleedyada, wakiillo ka socda Dowladaha Soomaaliya ka taageera Boliiska, UNSOM, UNPOL iyo AMISOM.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka illaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah leedahau ilaalinta Xeebaha dalka.

Taliyaha laanta ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, G/dhexe, Bashiir Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska Ciidan Boliis oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta Xeebaha Dalka, wuxuuna intaa raaciyay in halistii xagga berriga ay ku biirtay dhibaato kale oo ka jirta dhanka Badda, taas oo u baahan in wax laga qabto iyo Wasiir ku xigeenka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse, ayaa dhankiisa sheegay Ciidamo awood leh oo la wareega ilaalinta xeebaha Dalka Soomaaliya in la dhiso.

 

Halkan hoose ka dhageyso Taliyaha laanta ilaalada xeebaha iyo Wasiir ku xigeenka Amniga hadaladooda:-

Facebook Comments