Kulanka xulalka qaramada Soomaaliya & Zimbabwe lugta labaad oo galabta la ciyaaridoono

Kulanka xulalka qaramada Soomaaliya & Zimbabwe lugta labaad oo galabta la ciyaaridoono

September 10, 2019 Off By walaal24

 

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti.

Kulanka wuxuu soo galayaa saacada Geeska Afrika marka ay tahay 16:00 GM Galabnimo ee maanta dhanka kale 04:00 PM.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartooyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareegga groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray maalintii shalay.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday,kadib markii ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta,waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday.

Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda,kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney mas’uul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar.

Facebook Comments