Dhageyso: Wasiirka Cadaalada XFS oo sheegay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaalada dalka

Dhageyso: Wasiirka Cadaalada XFS oo sheegay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaalada dalka

September 10, 2019 Off By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaaladda dalka.

Wasiirka ayaa waxaa uu ka hadlay Hirgalinta nidaamka  Cadaaladda dalka oo ay wadaan, Islamarkaana latashiyo kala duwan kala sameeyeen Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Qeybaha kala duwan ee Ururadda Bulshada Rayidka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Nidaamka Cadaaladda ladoonayo in uu lajaan qaado Nidaamyadda Cadaaladda ee dunida ka jira lehna awoodihii lagu fulin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay Hanaanka Cadaaladda, Asluubta iyo Siyaasad weyn oo Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Federaalka ayaa Nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,Hanaankaas oo lahorgeeyey Golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen”

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa sheegay in Hanaankaas laga hirgalin doono Dhamaan dalka si ay dadk Soomaaliyeed u helaan Nidaam Cadaaladeed oo wanaagsan.

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka Cadaalada:-

Facebook Comments