Dhageyso: Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka oo eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhageyso: Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka oo eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

August 24, 2019 Off By walaal24

 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland ee soo dhammaystay dugsiyada sare si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland.

Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tash ah loo dhisayo.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka.

Arintan ayaa sabab u noqotay markii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu Siyaasad ahaan uga horyimid Dowlada Federaalka kana diiday Ardad Puntland ee Dugsiga Sare ee shahaadiga Inay ka qayb qaataan Imtixaanka Guud ee laga qaadaya Aradayda Soomaliyeed, nidaamka Dowliga ayaa ah in Imtixaamka Dowlada ay qaado in ay ku bixiso Shahaadad Ardada.

 

Halkan hoose ka dhageyso Xildhibaanka hadalkiisa:-

 

Facebook Comments