Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay in aan wax gor gortan laga galeynin Xuuduudah……..

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay in aan wax gor gortan laga galeynin Xuuduudah……..

August 20, 2019 Off By walaal24

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Halkan hoose ka Akhriso warqada uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka:-

 

Facebook Comments