Dhageyso: Gen:- Odawaa oo ka hadlaya Qaraxii ismiidaminta iyo weerarkii lagu qaaday degmada Awdheegle

Dhageyso: Gen:- Odawaa oo ka hadlaya Qaraxii ismiidaminta iyo weerarkii lagu qaaday degmada Awdheegle

August 14, 2019 Off By walaal24

 

Ayadoo ay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta halkaas uu ka dhacay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo loo adeegsaday, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada lugta General Yuusuf Raage Odawaa, kana war bixiyay sida ay wax u dhaceen,.

Qaraxaan ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jug culus.

“Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa maanta barqadii isku dayey inay weerar ku qaadaan Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose balse Ciidanka oo ka warqabay dhagarta Argagaxisada ayaa weerarkaas ka hortagay”.

Taliyaha Ciidanka Luqta  oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay argaggixisado soo qaaday.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhawaan dagalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle oo waxaana degmadaasi dib ugu soo noqday dadkii horay uga barakacay handadaada Al-Shabaab nolol cusubna bilaabay.

Halka hoose ka dhageyso Taliyaha Ciidamada lugta General Odawaa:-

Facebook Comments