Xulufada Sucuudigu hogaaminayo oo dhaxdooda dagaal ka dhax qarxay

Xulufada Sucuudigu hogaaminayo oo dhaxdooda dagaal ka dhax qarxay

August 10, 2019 Off By walaal24

 

Xulufada Sucuudigu hogaaminayo oo dhaxdooda dagaal ka dhax qarxay, iyadoo maalintii Afraad magaalada labaad ee Cadan dalka Yemen ay ku dagaalamayaan xoogag markoodii hore ka wada tirsanaa xulufada Sucuudigu hogaaminayo.

Dagaalyahannada gooni u goosadka reer koonfureedka ayaa sheegaya in ay dhul badan qabsadeen dagaaladaa oo ay riixeen kuwo daacad u ah xukuumadda.

Dagaalladi ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Cadan ayaa dhex maray dhinacya iska soo horjeeda oo dowladda wada taageersan, markii horana xulufo la ahaa xulafada Sacuudiga hogaamiyo

Mid ka mid ah kooxaha ku dagaallamay magaalada ayaa si weyn gacan uga hela Imaaraadka carabta, halka kooxda kalana ay dowladda Yemen garabsato oo Sacuudi Carabiyana dhaqaala ku taakuleeyo.

Dagaallada sanadaha badan ka taagan dalka Yemen ayaa sababay iney xaaladda dalka Yemen ay wax weyn iska beddelin.

Inkasta oo raja wanaagsan laga muujiyey heshiisyada ka dhex billaawday xoogagga dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

Facebook Comments