Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Jubbaland oo ka warbixiyay halka ay marayso soo xulista Baarlamanka cusub

Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Jubbaland oo ka warbixiyay halka ay marayso soo xulista Baarlamanka cusub

August 5, 2019 Off By walaal24

 

Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo Xuduudaha  Jubbaland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka war bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Guddiga oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay.

Maalinta berri ee Talaadada ayey ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka.

Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub.

Facebook Comments