Horjoogayaal isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Bay

Horjoogayaal isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Bay

August 4, 2019 Off By walaal24

 

Labo Horjooge oo ka tirsanaa dagalamayaalka Al-shabaab ayaa Maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Iyo Maamulka Degmadaasi,sida uu xaqiijiyay Ibrahim Maxamed Nuur (Shiik Shigow ) Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka baay.

Labadan Horjooge ayaa lagu Kala Magacaabaa Maxamed Xasan Cusmaan oo 25- sano jir ah kaasi oo muddo 1 sano ah ka tirsanaa maleeeshiyaadkasi,islamarkaana ka qeybqaadanayay dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed,balse haatan uu ka tanaasulay fikirkii qaldanaa ee argagixisada iyo Xuseen Marshaale Maxamed oo 19 sano jir ah, kaasi oo Nabaddiidka Alshabab ku jiray 2 sano,wuxuuna ahaa darawalkii horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa gobolada Bay iyo Bakool,waxaana ay wateen 2 qori AK47 iyo Booshahkooda.

“Waxaa ay ogaadeen In Alshabaab maanta Shacabka Soomaaliyeed aysan dhaafeynin Saqiir iyo Kabiir, iyaga oo dhallinyaro ah oo markii horaba la qaldey ayaa Maanta ka soo laabteen Qaladkoodi,iyaga oo ka Faa’ideysanaya cafiskii uu u fidayay Madaxweynaha Jumhuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, anaga oo Fulinayna Amarka Madaxweynaha Qof kasta oo doonaya waddada Qaladan Al Shabaab kasoo laabto,Gacmo Furan ayaan kusoo dhaweynaynaa,Ka maamul ahaan” ayuu yiri Guddoomiye Ibarahim Maxamed Nuur.

Muddooyinkii ugu Dambeeyay waxaa soo badanaya tirada Dhallinyarada ka soo baxaysa fikirka qaldan ee Alshabaab,kadib markii ay u cadaatay in Alshabaab aysan ka tarjumaynin danaha Umadda Soomaaliyeed oo horey ay u qaldeen Maleshiyaadka Al shabaab oo isku soo dhiibaya Qeybo ka mid ah Maamulada Degmooyinka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Facebook Comments