Dhageyso: Maamulka Jubaland oo sheegay in ay ka tashan doonaan musharixiinta aan wali is diwaangalin

Dhageyso: Maamulka Jubaland oo sheegay in ay ka tashan doonaan musharixiinta aan wali is diwaangalin

July 31, 2019 Off By walaal24

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen ayaa ka warbixiyey shir gaar ah oo madaxda maamulkaasi ay maanta ku yeesheen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankaasi diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo doorashooyinka Jubbaland, sidoo kale wuxuu beeniyey in dhibaatooyin amni darro ay ka jiraan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaaladaasi, mar uu la hadlay Warbaahinta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa fariin culus u diray Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi, ayaa tilmaamay in Musharraxii buuxin waaya shuruudaha doorashada ay ka tashan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo intaasi ku daray in illaa iyo hadda ay isa soo diiwaangeliyeen kaliya todoba Musharrax, uu ku jiro Madaxweynaha hada xilkiisa ka sii dhamanaayo.

Doorashada Jubbaland oo ololaheeda si weyn looga dareemayo Kismaayo ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socoto ee Augsut, balse waxaa weli jira caqabado iyo cabasho ay muujinayaan inta badan Musharraxiinta ku loolamaya doorashadaasi.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoona shalay amniga Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Halkan hoose ka dhageyso Gudoomiye ku xigeenka labaad Barlamanka Jubaland:-

Facebook Comments