Dhageyso: Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya oo su’aalo laga weydiiyay Qaraxii Boosaaso ee lagu eedeeyay Dowlada Qatar

Dhageyso: Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliya oo su’aalo laga weydiiyay Qaraxii Boosaaso ee lagu eedeeyay Dowlada Qatar

July 28, 2019 Off By walaal24

 

Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo iyo warbixintii uu dhawaan daabacay Wargeyska New York Times ee la xiriirtay Qaraxii magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa sheegay in Wasiir Cawad wax badan ka weydiiyeen howlaha Wasaaradda arrimaha dibada & arrimaha diblomaasiyadda, isagoo sheegay in kulankan uu qeyb ka ahaa Barnaamijka isla-xisaatanka ee Dowladda.

Kulanka ayaa markii uu dhammaaday kadib waxaa warbaahinta uga warbixiyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay qodobadii ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Guddiga.

 

Halkan hoose ka dhageyso Xildhibaab C/qaadir Cosoble Cali:-

 

Facebook Comments