Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaliland iyo Ciidamo taabacsan Jan. Caare

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaliland iyo Ciidamo taabacsan Jan. Caare

July 10, 2019 Off By walaal24

 

Ciidamada Qaranka Soomlailand ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday degaanka YUBE oo ka tirsan degaanka degmada Ceerigaabo kuna sugnayeen Ciidankii Jabahada Caare kana goostay Somaliland.

Hadaba si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa socday ilaa saaka balse wax khasaare oo ka dhashay wali lama hubo in kastoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidanka Soomaliland ay gacanta ku dhigeen Gaahi Tikniko Ah oo aan qori saarnayn.

Dhanka kale waxaa kale oo lagu soo waramayaa In Ciidanka Somaliland ay Gacanta Kaga dhigeen Gaadiid Tigniko, aydoo dhanka kale wax war ah aanan ka soo bixin oo xaqiijinaayo sheegashada Ciidamada Soomaliland guulaha ay sheeganayaan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in mudahaard balaaran uu goor dhaweyd ka bilaabat badhtamaha magaalada Burco Isla Markaana Ciidanka Booliska Burco ayaa Rasaas kala hortagay, mudaharaadkan ayaa ah mid aad u yar balse aan ahayn mid Khasaare Ka dhashay

Sidoo Kale Gudaha Magaalada Cerigaabo ayaa lagu soo waramayaa in aanay xaalada wanaagsaneyn isla markaana looga baqayaa in ay iyaduna deganasheheeda faraha ka baxdo

 

Wararkan wixii ka soo kordha kala soco #walaal24.com

Facebook Comments