Ciidanka Amniga oo magaalada Marka ku qabtay Dad siday waxyaabaha qaraxa

Ciidanka Amniga oo magaalada Marka ku qabtay Dad siday waxyaabaha qaraxa

July 8, 2019 Off By walaal24

 

Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Dad doonayay iney qarax ka geystaan isla magaaldaas oo ka tirsan dagalamayaal kooxda Al-Shabaab.

Afar Qof oo waday ayaa lagu qabtay Qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Labo dumar ah ayaa ku jira Dhagar oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo waliba mid ka mid ah ay Uur leedahay.

Tan ayaa cadayn u ah in Awooda argagixisadu haatan ay aad u liidato oo ay wiiqeen ciidanka dowladda, haatana ay isku dayaan inay adeegsadaan Haweynka iyo Caruurta.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay deegaano badan kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Facebook Comments