Ra’iisal wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xaruunta Dalka Qatar

Ra’iisal wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xaruunta Dalka Qatar

June 1, 2019 Off By walaal24

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo galabta gaaray magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka  wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

Facebook Comments