War-murtiyeed ay soo saareen Maamulada Puntland iyo Galmudug kana soo horjeesteen sadax Sharci…….

War-murtiyeed ay soo saareen Maamulada Puntland iyo Galmudug kana soo horjeesteen sadax Sharci…….

May 22, 2019 Off By walaal24

 

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka soo horjeestay sadax sharci, ayagoo Labada maamul ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah.

Waxay ka soo horjeesteen sharciyada Doorashooyinka Qaranka, Xeerka Cabshuuraha Dalka iyo Batroolka ee uu ansixiyay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Shirkan ayaa markii uu soo dhammaaday kadib waxaa laga saaray War-murtiyeed ay labada dhinac isku raaceen.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland,isla markaana waxaa looga wada-hadlay muhiim ah oo la xiriira adkaynta amniga iyo dedaalada dib u heshiisiinta dadka Reer Puntland iyo Galmudug iyo iskaashiga labada dowladood ee dhanka mowqifyada siyaasadeed, gaar ahaan geedi socodka dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan hannaanka lagu heshiiyey ee Federaalka ah.

 

Halkan hoose ka Akhriso War-murtiyeedka:-

 

https://i2.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/05/

 

 

Facebook Comments