Dowlada Kenya “waxa ay si toos ah xiriir ula yeelan doontaa maamul goboleedyada Soomaaliya”

Dowlada Kenya “waxa ay si toos ah xiriir ula yeelan doontaa maamul goboleedyada Soomaaliya”

May 22, 2019 Off By walaal24

 

Warbaahinta Kenya ayaa aad wax oga qoreysa khilaafka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Wargeyska ugu weyn ee Nairobi kasoo baxa ee Daily Nation ayaa maanta ciwaan far waaweyn ah ku yiri “Dowladda Kenya oo muruqeeda ku tijaabinaysa Soomaaliya”.

Wargeyska oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay, sida mas’uuliyiintii Soomaalida ahaa ee garoonka Jomo Kenyatta laga celiyay, ayaa qorey in uu heley xog la xiriirta in dowladda Kenya ay go’aansatay in ay xiriir toos ah la yeelato maamulada ka jira Soomaaliya, iyada oo hareer maraysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Saansaanta arrintaas ayaa durba muuqata iyada oo ay Nairobi ku suganyihiin wafti balaaran oo ka socda maamulka  iskeed isku magacoowday ee Somaliland , kuwaas oo xubno ka mid ah mar ay Warbaahinta u sheegeen in ay aad u wanaagsantahay rajadii ay ka qabeen in la aqoonsado.

Somaliland ayaa bilo ka hor magaalada Nairobi ka furatay xafiis dublamaasiyadeed, iyada oo ay Kenya sheegtay in ay wakiil u dirsan doonto magaalada Hargeysa.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ujeedka Kenya ay ula macaamilayso maamulada ay tahay si ay cadaadis dheeraad ah u saarto dowladda Federaalka oo ay Kenya ka weysay waxyaabihii ay ka doonaysay.

Waxa uu wargeyska soo qaatay sharcigii batroolka ee dhawaanta la ansixiyay , wuxuuna intaas ku daray in ceelal shidaal oo ku yaala badda ay labada dal isku heystaan.

Wargeyska wuxuu sheegay in uu ka warhayo in uu jiro go’aan cadaadiska Soomaaliya la saarayo qeyb ka ah oo ku saabsan diyaaradaha laga leeyahay Soomaaliya in lagu soo rogo shuruuc adag oo xanibaad ah.

Horey waxa ay Kenya dib usoo celisay in duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya ay soo maraan magaalada Wajeer, halkaas oo lagu soo baaro. Talaabadan ayay Kenya ku fasirtay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa kale oo uu wargeyska sheegay in qorshaha uu ka mid ah in ciidamada Kenya si qorsheysan looga soo saaro dhulkii ay ka saareen Alshabaab sanado ka hor, si culeeska loogu kordhiyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa bilihii dhowaa kasoo baxay deegaano dhawr ah oo ku yaala gobolka Gedo, sida deegaanka Buusaar iyo Faafaxdhuun.

Wargeyska oo qoraalkiisa bogga 4aad kusoo baxay sii wata ayaa sheegay in inta ay Soomaaliya diidantahay in wadahadal laga galo muranka dhul badeedka, in Kenya ay mid mid uga bixi doonto dhammaan heshiisyadii la galay.

Heshiisyadan waxaa ka mid ah kuwa ganacsi, socdaalka iyo is dhexmarka dadka. Iyo waliba heshiis ku saabsan arrimaha qaxootiga.

Facebook Comments