Dowlada Kenya oo ka hortimid adeegsiga Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya

Dowlada Kenya oo ka hortimid adeegsiga Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya

May 20, 2019 Off By walaal24

 

Dowlada Kenya ayaa ka hortimid adeegsiga Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya, aritaan oo ay u muuqato in ay xiriirka labada Dowladood uu mugdi sii galaayo.

Markii Xubno ka mid ah mas,uuliyiinta dowlada oo safar ku aaday magaalada Nairobi oo watay Baasaboorka diblumaasiga ayaa loo diiday in loo saaro Vissaha dal ku galka markii ay ka dageen garoonka Jomo Kenyatta.

Qaar ka mid ah xubnahaan oo watay Baasaboorada dalalka Yurub iyo Canada ayaa la soo baxay iyadoo deetana loo ogolaaday in ay gudaha u galaan magaalada Nairobi.

Wasiirka Qorsheynta Mr Jamaal Xasan iyo dhiggiisa caafimaadka marwa Fowsiya ayaa waxay la soo baxeen sharciga dalalka Canada iyo talyaaniga oo ay Heestaan.

La taliyaha madaxweynaha soomaaliya ee dhanka amniga Cabdi Saciid ayaa isna la soo baxay Baasaboorka Holand.

Laba xubnood oo ka tirsan aqalka Sare oo kala ah Mr Ilyaan iyo Marwo Zamzam ayaa ku xayiran madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta iyadoo la filayo in Baritto ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

Diidmada Kenya ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta baarlamaanka soomaaliya ay Ansixiyeen sharciga Shidaalka, taas oo u muuqata in ay ka dhigeysa culeys Diblumaasi, ayadoo horey u soo saartay Diyaradihii tooska ahaa ee Neyroobi u wareejisay Wajeer iney soo maraan, kuna sheegtay arimo Amni.

Facebook Comments