Maqaal: ka hadlaaya Mas’uulka Xasaanadiisa Shacabka wax ugu taraaya iyo midka dhibta ugu geysanayo

Maqaal: ka hadlaaya Mas’uulka Xasaanadiisa Shacabka wax ugu taraaya iyo midka dhibta ugu geysanayo

April 22, 2019 0 By walaal24

 

XASAANNAD XAYNDAAB IYO XARIIR U FIDINAYSA NABAD-DIIDKA.

Laamaha amnigu waxay la tacaaleen carqalado caqabad iyo ciribtir ku ahaa Amni ka hirgala gobolka Banaadir, waxay daqiiqadkasta heegan ugu jiraan Nabad-galyo deeqda Bulshada oo idil.

Waxaa lidkeenna ah garbo is-barbaryaacayya kuwaas oo kaalmo iyo taakulooyin isku hagoogaya hadafkoodu waa sidii madhalays looga dhigi lahaa AMNI miro dhal noqda ah oo la tiigsado, qaabka ugu fudud ee ay ku fushadaan falalkooda iyagoo taageero isu muujinaya waa FULLIYE IYO QARIYE.

FAL-GAYSTUHU waa nacabka guud ee argagaxisada ah laakiin fal-kaabaha labaad wuxuu huwanyahay oo ku meegaaran xasaannad uu dhabbo adag ka dhiganayo si aan loo tabar-beelin hiigsiyadiisa.

Ma’ahan mid caawimaad siiya Nabad-diidka oo qura ee wuxuu kaaliye iyo korjooge u noqdaa Askarta falalka foosha xun geysata, Ku dhawaad 5 “DABLE” oo ku eedaysan dilka dhalinta muruq-maalka ah ee bajaajlayda waxay hiil iyo hoy-bideen Xildhibaanno Xasaannad leh, waxay magan iyo marti ka dhiganayaan cududda xasaannadeed ee guudka u saaran.

Amnigu waa muunad la rabey inay dhextaal noo ahaato, waxaa muhiim ah in lakala saaro siyaasad iyo amni, legdenka siyaasaddu waa goonni, Ruuxa cuskanayya Amniga si dhul-jiif looga dhigo waa xayntii itaalkoodu liicay dharaartii leg-danka ee lagu kala calafqaatay.

Laamaha Amnigu waxay araar, ogaysiis, iyo wargelin u direen shaqsiyaadka wehelka ka baadigoobayya xasaannad argagaxisannimo hullaaban, bulshaduna waxay marag iyo markhaatiyaal ka ahaan doontaa garnaqsigooda.

 

Maqaalkan waxaa lagu qoray Page ka Wasaarada Amniga Soomaaliya:

Mahadsanidiin

 

Facebook Comments